Madaxweynaha Soomaaliya oo digniin kasoo saaray la macaamilka Al-Shabaab

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in ay dambi tahay in qofku uu xiriir wicitaan ah la sameeyo qof ay ehel ama qaraabo yihiin oo ku jira Al-Shabaab ama isaga lala soo sameeyo.

 

“Kuma soo wici karo ma wici kartid waa dambi ogow, “ ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale wuxuu sheegay in qofkaas haddii la ogaado inuu wacay qof Shabaab ku jira ama isaga la soo wacay uu qabanayo sharciga la dagaallanka argagixisada isla markaana maxkamad lagu gayn doono arrintaa.

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa carrabka ku adkeeyay in aan lala macaamili karin Al-Shabaab, maadama sida uu sheegay uu jiro sidoo kale xeer ku saabsan cunna-qabateynta xadidan oo saran ururada ka soo horjeeda dowladda.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan dowladda Soomaaliya ay dagaal adag kula jirto Al-Shabaab, kaas oo xoogiisa ka socda gobollada dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here