Ciidamada DF oo fashiliyay miinooyin ay Al-Shabaab ku aaseen Galgaduud

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgallo qorsheysan oo ay maanta ciidamada dowladda Soomaaliya ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

 

Howlgallada oo ay iska kaashadeen ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa waxaa lagu fashiliyay miinooyin ay Al-Shabaab ku aaseen waddada xiriirsa deegaanada Masagawaa iyo Baraak Sheekh Caamir oo ka wada gobolkaasi.

Ciidamada ayaa ku guuleystay inay soo saaraan miinooyinkaasi, kadibna ay qarxiyeen, sida ay sheegeen saraakiisha ciidanka milatariga Soomaaliya.

Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi kusii daray inay sii wadi doonaan howlgallada ay ku xaqiijinayaan amniga, sidoo kale ay uga hortagayaan weerarada Al-Shabaab.

Galgaduud iyo Mudug ayaa waxaa inta badan ka dhaca weeraro ay soo abaabulaan Al-Shabaab oo horay looga saaray degmooyin iyo deegaano hoostaga Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here