Wararkii ugu dambeeyay xogta rasmiga ah ee qaraxii xalay ka dhacay Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Macluumaad dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxii xooganaa ee xalay ka dhacay maqaayadda Top Coffe oo ku taalla degmada Boondheere.

 

Qaraxa oo si weyn looga dareemay caasimada ayaa loo adeegsaday baabuur laga soo buuxiyay walxaha qarxa, waxaana ku dhintay dad badan oo shacab ah.

Xilliga uu qaraxu dhacayay waxaa maqaayadda ku sugnaa dhalinyaro badan oo goobta ku daawanayay ciyaarta kama dambeysta ah ee koobka Qaramada Yurub.

Booliska wuxuu xaqiijiyay in weerarkab ay ku dhinteen 5 qof, ayna ku dhaawacmeen 20 kale, waxaase jira ilo madax bannaan oo xaqiijiyay in dhimashadu ay tahay illaa 7 ruux.

Sidoo kale waxaa jira burbur xoogan oo ka dhasha goobta, waxaana saaka meesha ay mashaqad u ka dhacday si weyn loo dareemayaa saameynta qaraxii xalay ka dhacay.

Halkan hoose ka daawo wararkii ugu dambeeyay:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here