Dagaal laga cabsi qabo inuu mar kale ka qarxo degmada Luuq

0

LUUQ (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in weli xaalad kacsanaan ah laga dareemayo gudaha degmada Luuq ee gobolkaasi oo ay dhowaan ku dagaalameen laba maleeshiyo beeleed.

 

Dadka deegaanka ayaa soo warinayo in haatan ay dareemeen dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo oo ka socda degmada, taas oo cabsi ku beertay maadaama dagaal la filan karo.

Ugaas Cali Iimaan oo kamid ah waxgaradka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa baaq kasoo saaray xaaladda weli ka taagan Luuq, wuxuuna sheegay in loo baahan yahayi in lagu baxo xiisadaasi.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in khasaaraha ka dhashay dagaalladii horay dhacay uu kordhay, isla markaana dhimashada ay gaartay 19 qof, guryo iyo suuqiina la gubay.

“Suq iyo guryo ayaa lagu gubay dagaalka Luuq, dhimashada 19 qof ayey sii mareysaa, waxaan ku baaqayaa in si xil kas ah loo wajaho xalka” ayuu yiri Ugaas Cali Iimaan.

Si kastaba, Jubbaland ayaa wafdi culus oo nabadeyn ah u dirtay halkaasi, kuwaas oo uu hoggaaminayo madaxweyne ku xigeenka maamulkaas Maxamuud Sayid Aadan oo dadaallo nabadeed ka wada degmada Luuq, inkastoo aan weli lagu gaarin heshiis dhab ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here