Shir looga hadlayo maqaamka gobolka Banaadir oo ka furmay Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Kulan howleedka maqaamka caasimadda ee hanaanka dib-u-eegista Dastuurka oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS ayaa si qota dheer looga hadlayaa maqaamka caasimadda iyo xulashooyinka caasimadeed ee miiska saaran ee loo kala doorayo si loogu xulo nuuca ugu haboon,ka qeyb galayaasha ayaa doodo ka yeelanaya dhammaan noocyada xulasho, si ay isugu raacaan hal xulasho oo ay uga taliyaan inuu noqdo maqaamka caasimadda.

 

Furitaanka kulanka waxaa ka qeyb galay wasiiru dowlaha wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Marwo Muumino Sheekh Cumar, xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda, Feysal Aadan Xasan, guddoomiye kuxigeenka amniga iyo siyaasadda gobalka Banaadir, mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), la taliyaha madaxweynaha ee arrimaha dastuurka, Dr, Xuseen Sheekh Maxamuud, guddoomiyaha bulshada rayidka ah, Cusmaan Muxidiin Macallim (Shaatax), iyo mas’uuliyiin kale.

Dhammaan mas’uuliyiinta ka hadlay furitaanka kulanka ayaa si isku mid ah usoo dhaweeyay dadaalka ay wasaaradda cadaaladda iyo arrimaha dastuurka ay hormuudka u tahay ee lagu karaarinayo in dastuurka dalka lagu cadeeyo maqaamka caasimadda Muqdisho oo arrintiisu xilli dheer soo taagneyd.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here