Ciidamada Booliska Soomaaliya oo xiray Wariye Cali Nuur Salaad

0

MUQDISHO (SMN) – Taliska Booliiska Soomaaliyeed ayaa xabsiga u taxaabay Suxufi Cali Nuur Salaad oo ah Agaasimaha Dawan TV, horeyna uga soo shaqeeyay BBC-SOMALI iyo warbaahino Kale oo maxali ah.

 

Booliiska ayaa Xariga Rugcadaagan Saxaafadeed umaray sifo aan sharci aheyn maadama aysan jirin waraaq maxkamadeed iyo eedeyn ku qotonta qodobo sharci ah, sidii horeyba u dhici jirtay in wariyayaasha la iska xiro oo la iska soo daayo markii la rabo.

Qoraal lasoo dhigay barta Facebook ee Booliiska ayaa lagu sheegay in wariyahan loo xiray anshax xumo iyo been abuur.

Cali Nuur Salaad oo lagu tiriyo wariyayaasha Muqdisho kuwooda ugu aqoonta badan ayaa xiligii doorashada madaxtinimo ee Dalka 2022 ahaa madaxa Saxaafadda ee Ololihii uu ku soo baxay MW Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana la yaableh in isla dowladdii uu wax kasoo dhisay qeybna ka ahaa ololaheeda doorasho ay ku eedeynayso anshax xumo iyo been abuur.

Booliiska Soomaaliyeed ayaa la sheegayaa
in uu mudooyinkii ugu danbeeyay ka gaabiyey sugida amniga Muqdisho ilaa haatana aan cidna u soo qaban weeraradii Xabsiga dhexe ee Xamar iyo Maqaayada Top Coffee halka uu ku mashquulsan yahay xariga iyo caburinta suxufiyiinta iyo dadka shacabka ah ee aragtiyahooda ku aadan Dowlad-dhiska saxaafada u mariya madaxda dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here