Guddoomiyaha hay’adda SoDMA oo daah-furay shir muhiim ah + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Md. Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa daah furay shir muhiim ah oo lugu falanqeynayay dhammeeystirka iyo fulinta geedi socodka hindisaha sidii bulshada looga haqabtiri lahaa digniinaha halis-wadareedka (EW4ALL) kana kooban afar tiir oo muhiim ah ayaa lagu qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

 

Ajandaha shirka labada maalmood ah lugu falanqeynayay loogana dooday waxa uu ahaa, sidii loo dhammeeystiri lahaa loona buuxin lahaa gaabiska iyo dul-duleellada ka jira nidaamka qaran ee bixiya digniinaha halis-wadareedka (NMHEWC) si loo gaaro yoolka la dajiyay ee badbaadinta nolosha iyadoo loo marayo nidaamka digniinta ugu horrayso ee khatarta badan leh ee Soomaaliya kaas oo ay hay’adda SoDMA dowladda mas’uul uga tahay taaba-gelinta geedi-socodka iyo dhameeystirka hindisahan (EW4ALL).

Shirkan waxaa isla soo qabanqaabiyay hay’adda SoDMA iyo UNDRR, sidoo kale waxaa shirkan ka soo qeyb galay hay’addaha kala ah UNDP, UNDRR, FAO, WMO,UNFPA, UNHCR, World bank, CIMA Research Foundation iyo saraakiil ka kala socday Wasaaraddaha iyo Hay’addaha kala duwan ee Dowladda Federalka Soomaaliya.

Nidaamkan digniinta hore  ayaa u horseedaya dalka dariiq hore loogu soconayo oo lagu gaari doono Nidaam bixiya digniinta halis-wadareedka oo wax ku ool ah iyada oo loo marayo hoggaanka SoDMA taas oo looga gol-leeyaha in khatarta halista la saadaaliyay ee soo socota digniinteeda looga haqab-tiri lahaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here