Ciidamada dowladda oo howlgal culus ka fuliyay gobolka Bakool + Khasaaraha

0

XUDUR (SMN) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ka sameeyeen qaybo kamid ah gobolka Bakool.

 

Howlgalka oo ka dhacay deegaan u dhow degmada Xudur, isla markaana lagu magacaabo Abagbeeday ayaa waxaa looga beegsaday kooxda Al-Shabaab.

War qoraal ah oo kasoo baxay taliska ciidanka Xoogga dalka ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkaasi lagu dilay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab, sidoo kalena laga soo furtay hub.

“Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan guutada 9-aad waxay howlgal qorsheysan ay ku dileen xubno sare oo ka tirsan Aragagaxisada. Abagbeeday oo qiyaas 20km dhanka beri kaga beegan Magaalada Xuddur ayaa isku hor imaad dhex maray ciidamada iyo argagaxisada waxayna ciidanka ay soo furteen hub ay ka mid yihiin Qoryaha BKM iyo AK47” ayaa warsaxaafadeed  kasoo baxay Taliska Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Dhowaan ayay ahayd markii dagaallo culus oo ka dhacay gobolka Jubbada Hoose khasaare culus lagu gaarsiiyay Al-Shabaab, kadib markii laga dilay ku dhowaad 100 xubnood, lagana soo furtay, sida ay horay u sheegtay dowladda federaalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here