Guddoomiyaha SoDMA oo la kulmay Danjiraha Jaamacadda Carabta

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Md. Mahamuud Moallim Abdulle ayaa kulan la qaatay Danjiraha Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya Md. Cabdalla Mutliq Alcuteybi.

 

Labada masuul ayaa ka wada hadlay sidii jaamacaddu ay hay’adda SoDMA ugu xiri leheed hay’adaha Maaraynta Musiibooyinka, kuwa gargaarka iyo hormarinta ee jaamacadda Carabta hoos taga.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa kala hadlay safiirka Kaamacadda Carabta sidii shaqaalaha Hay’adda SoDMA aqoontooda kor loogu qaadi lahaa iyadoo loo sameynaayo tababarro, aqoon is waydaarsi, khibrad wadaag iyo wixii la mid ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here