Wasiir Xoosh oo la kulmay wasiirada arrimaha gudaha maamullada dalka

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Hon Ali Yusuf Ali – Xoosh ayaa casho sharaf u sameeyey Wasiirrada Arrimaha Gudaha iyo agaasimeyaasha guud ee dowlad goboleedyada iyo Maamulka Kumeel gaarka ah ee Khaatumo State ee ka qeybgalay Madasha Iskuwidda Xasillinta dalka.

 

Cashada waxaa kale oo qeyb ka ahaa Guddomiyaha Hey’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, Maareeyaha hey’adda NIRA, Agaasimayaal iyo mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS.

Wasiirada Arrimaha Gudaha Maamul Goboleedyada ayaa horay uga qayb galay madasha Iskuduwidda Arrimaha Xasillinta Dalka taas oo uu furay  Ra’iisul wasaare kuxigeenka XFS Saalax Axmed Jaamac.

Madasha ayaa waxaa si gaar ah loogu falqanqeeyay sidii kor loogu qaadi lahaa dedaalada Xasilinta ee dhulka laga Xoreeyey Al-Shabaab.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here