Madaale oo kulan la xisaabtan ah la yeeshay waaxyaha dakhliga Dowladda Hoose

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula qaatay Saraakiisha Ciidanka Ilaalinta Deegaanka iyo Agaasimeyaasha Waaxaha Dakhliga Dowladda Hoose ee Xamar.

 

Kulanka ayaa daarnaa isla xisaabtan iyo xoojinta wada-shaqeynta Waaxyaha Dakhliga Dowladda Hoose ee Xamar iyo Ciidanka Ilaalinta Deegaanka Xamar iyo sidii loo dar-dargelin lahaa howlgalada ka dhanka ah Anshax Xumada, Maandooriyaha iyo dadka ku xad-gudba Nadaafadda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa faray Saraakiisha iyo Ciidanka ilaalinta Deegaanka Xamar dhowrsanaanta, u turida bulshada iyo ilaalinta nafta, sharafta iyo maalka muwaadinka Soomaaliyeed.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here