Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo gaaray magaalada Kismaayo + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi ay kamid yihiin Wasiirrada Gaashaandhigga iyo Amniga ayaa si wayn loogu soo dhaweeyey magaalada Kismaayo ee xarunta KMG Jubbaland.

 

Mas’uuliyiin uu ugu horeeyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, dadweyne kale ayaa garoonka Kismaayo ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaare Xamse iyo wafdigiisa

Mudane Xamsa Cabdi Barre oo xiran dharka Ciidanka ayaa halkaas u gaaray dhiirogelinta Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Jubbaland oo howgallo ka dhan ah Al-Shabaab kawada halkaasi.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Jubbaland ayaa dhawaan ka sameeyay halkaas howlgallo lagu khaarajiyay in kabadan 150 Shabaab ah, iyagoo gacanta ku soo dhigay tiro kale, waxaana wali socda dabagalka firxadka ka baxsaday howlgallada barakeysan ee wali socda.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here