Culimada Soomaaliyeed oo ka hadlay dilka loo gaystay Ismaaciil Haniya

0

MUQDISHO (SMN) – Culimada Soomaaliyeed ayaa Muslimiinta Caalamka uga tacsiyeeyay geerida hoggaamiyahii garab-ka siyaasadda Ururka Xamaas ee Falastiin, Ismaaciil Cabdul Salaam Axmed (Ismaaciil Haniya).

 

Allaha u naxariistee Ismaaciil Haniya ayaa ku dhintay xalay duqeyn xagga cirka ah oo ay la beegsatay Isra’iil hoyga uu ka deggenaa magaalada Tehraan xilli uu kasoo laabtay caleema saarka madaxweynaha cusub ee dalka Iiraan Masoud Pezeshkian.

Culimaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa Alle ugu baryay Ismaaciil Haniya in uu Alle Shahaadadiisa ka aqbalo Jannatul Fardowsana uu ka waraabiyo.

Ismaaciil Haniyah, oo ah hogaamiyaha siyaasadda ee ururka Xamaas, ayaa ka tagay Marinka Gaza, sannadki 2019-ki, wixi markaasi ka danbeeyay wuxuu magangalyo ku deganaa waddanka Qatar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here