Dowladda Itoobiya oo ka hadashay Muwaadiniinteeda ku biiraya Al-Shabaab iyo Daacish

0

ADDIS ABABA (SMN) – Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in aysan ka walaacsanayn khatarta muwaadiniinteeda ku biiray Al-Shabaab iyo Daacishta Somalia, iyadoo intaas ku dartay inay qaaday tallaabooyin amni oo looga hortagayo khatartooda mustaqbalka.

 

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa sheegay in Al-Shabaab iyo Daacish aysan weeraro ka fulin karin Itoobiya, si lamid ah dalalka kale ee Ciidamad ay ka joogaan Soomaaliya, sida Kenya iyo Uganda oo qaraxyo kala duwan ay ka dhaceen.

NebiyuTedla ayaa tilmaamay in Ciidanka Itoobiya ay aad uga feejigan yihiin marwalba halista Al-Shabaab ee gobolka Geeska Afrika.

Wuxuu hoosta ka xariiqay in xog ururinta, iyo dadaalka iskaashiga ee saaxiibada gobolka in ay door ka ciyaaraan sidii loo yareyn lahaa khataraha amni ee  xuduudaha ay la wadaagaan dalka Soomaaliya oo saldhig u ah Daacish iyo Al-Shabaab.

Warbixinno ka soo baxay hay’ado kala duwan ayaa inta badan caddeeyey in Al-Shabaab iyo Daacish ay ka qortaan dagaalyahano badan oo ka soo jeeda Itoobiya, oo qaarkooda kasoo muuqda muuqaallo ay kooxaha baahiyeen.

Maamul goboleedka Puntland ayaa inta badan laga soo wariyaa in deegaano badan oo ka tirsan Buuraha Golis lagu tababaro dagaalyahanada Daacish oo tiro ahaan aad uga yar kuwa Al-Shabaab. Boqolaal ayaa lagu qiyaasaa tirada Daacishta Soomaaliya, waxaana lagula dagaalamayaa buuraha gobolka Bari.

Wareysi uu siiyay VOA, Taliyihii hore ee sirdoonka Puntland Cabdi Yare ayuu ku sheegay, in tirada dagaalamaayasha Daacish ay kordheen 50%, isagoo u sababeeyay ajaanibta kasoo dagaalantay Bariga Dhexe, sida Siiriya, Ciraaq iyo Yemen in ay gabbaad usoo raadsadeen dhulka buuralayda gobolka Bari.

Laakiin, La taliyaha amniga Qaranka, Xuseen Macallin, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay rumaysan tahay in awoodda Daacish ee degaanada Puntland ay kor u kacday. Waxa uu sheegay in aad ugu fududahay in ajaanibta caalamka kasoo dagaalantay ay halkaas isku urursadaan, inkastoo uu hoos u dhigay khatarta laga filan karo inay la yimaadaan, marka loo eego dhulka kooban ee ay kaga sugan yihiin Puntland.

Kenya oo sheegtay inay fashilisay weerar AS

Ciidamada ammaanka dalka Kenya ayaa fashiliyay weerar qorsheysan oo Al Shabaab ay ka fulin lahaayeen deegaanka Alango, oo ku teedsan waddada Gaarisa iyo Dhadhaab ee ismaamulka Garissa.

Kooxda Alshabaab oo isku diyaarinayay inay weerarka qaadaan ayaa waxaa xogtooda helay hay’adaha sirdoonka Kenya. Si kastaba ha ahaatee, ciidamada ammaanka Kenya ayaa fashiliyay qorshahooda, waxaana isla goobta lagu dilay labo ka mid ah xubnaha Al Shabaab, halka kuwa kalena ay baxsadeen iyagoo dhaawac ah.

Hubka laga soo saaray goobta ay weerarka ku qorshaynayeen waxaa ka mid ahaa labo qori oo AK47 ah, sidoo kale 7-majalado, agabka walxaha qarxa iyo agab kale oo kala duwan.

Hay’adaha ammaanka Kenya ayaa la sheegay ku raad joogaan Shabaabka baxsadka ah. Dhanka kale, waxaa dadweynaha lagu dhiirigeliyay inay laamaha amniga la wadaagaan xogta dadka la tuhunsan yahay in ay weerarkaas qorshaynayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here