Danjire Maxamed oo la kulmay Wasiirka Iskaashiga Caalamiga ee Serbia

0

Belgrade (SMN) — Mohamed Abdullahi Ahmed,  Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Serbia, ayaa maanta kulan Laba-geesood ah la qaatay Wasiirka Iskaashiga Caalamiga, Dib-u-heshiisiinta iyo Xasilloonida Bulshada ee Dowladda Jamhuuriyadda Serbia, Mudane Usame Zukorlić.

 

Danjiraha iyo Wasiirka ayaa ka wada-hadlay arimaha iskaashiga kor u qaadida wada-shaqeynta dhinacyadda badan iyo xiriirk saaxiibnimadda labadda dal ee 64-sano jirsaday.

Wasiirka ayaa bogaadin toos ah u jeediyay horumar Dowladda Federaalka ah iyo shacbiga Soomaaliyeed ay ka sameynayaan marba marka ka dambeysa, gaar ahaan dhinaca dib u dhiska dalkooda, Siyaasadda Arrimaha Dibadda iyo xiriirka Caalamiga ah ee dunidda inteeda kale iyo golayaasha Siyaasadda loo dhan yahay. “Waxaan ku faraxsanahay dib u soo kabashadda Dowladimadda Soomaaliya iyo dhan is bedeladda walba oo ay bushsdda Soomaaliyeedmuujijeen, waxaan jeclahay inaan mar uun booqdo Soomaaliya”.

Danjire Maxamed Cabdullahi ayaa mahad celin kadib Wasiirka u rajeeyay guul ka gaaridda shaqadda dalkiisa uu u haayo, isagoo xusay in ay Soomaaliya ay muhiimadda gaarka siiso xiriir Wanaaga iyo wada-shaqeynta saaxiibadda caalamka, iyadoo la ilaalinaayo qawaaniinta Caalamiga ah.

Sidoo kale, Danjiraha ayaa balan qaaday in isaga diplomaasiyiinta kala shaqeysa howl-galka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ee xarunta Belgrade ay kor u qaadi doonaan wanaaginta xiriirka labadda dal, gaar ahaan dhican danaha laba-geesood sida Gacansiga, Waxbarashada, tababaraddda Ciidamaddda, Diplomaasiyada iyo Isu-socodka muwaadiniinta xirfadlayaasha ah ee Soomaaliya iyo Serbia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here