Wararkii ugu dambeeyay khasaaraha ka dhashay weerarkii xeebta Liido + Video

0

MUQDISHO (SMN) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar qaraxyo ku billowday oo xalay ka dhacay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

 

Weerarkan oo khasaare badan dhaliyay ayaa dhacay xilli ay dad badan oo shacab ah ku sugnaayeen xeebta Liido oo ay ku yaallaan hoteello iyo goobo kale oo lagu nasto.

Maydad iyo dhaawacyo dhulka daadsan ayaa la arkay.kadib weerarka, waxaana muuqaalada laga helay goobta ay muujinayaan khasaare baaxad leh.

Sidoo kale dhaawacyadii ugu badnaa ayaa xalay la geeyay qaar kamid ah isbtaallada magaalada Muqdisho oo uu ku jiro isbitaalka Digfeer, halkaas oo ay buux dhaafiyeen dad badan oo shacab ah.

Halkan hoose ka daawo warbixinta:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here