Gaari aan weli qarxin oo yaalla xeebta Liido ee magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Xaalad adag ayaa weli ka taagan xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, halkaas oo uu xalay ka dhacay weerar ku billowday qaraxyo, kadib weerar ay ku qaadeen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

 

Xeebta waxaa ku sugan ciidamada ammaanka oo dadweynaha u diidaya inay teegaan goobta uu weerarka ka dhacay, maadaama weli la dareemayo xaalado amni.

Gaari ay ka buuxaan walxaha qaraxa ayaa lasoo wariyay in sidoo kale goobta yaallo, kaas oo ay wateen raggii weerarka ku qaaday Hoteelka Beach View ee magaalada Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saartay waxa ay sheegtay in weerarka lasoo afjaray, isla markaana 5 dagaalame, halja mid kalena uu xalay isku qarxiyay xeebta Liido.

Halkan hoose ka daawo xaaladda ka taagan xeebta Liido:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here