Daawo: Taliska Booliska oo faah-faahin ka bixiyay weerarkii xeebta Liido

0

MUQDISHO (SMN) – Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa ka warbixiyay khasaaraha guud ee ka dhashay weerarkii qaraxyada ku billowday ee xalay ka dhacay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

 

Afhayeenka Booliska Cabdifitaax Aadan Xasan oo la hadlay Wariyeyaasha ayaa xaqiijiyay in weerarkan ay ku dhinteen dad ka badan 32 qof, ayna ku dhaawacmeen 63 kale.

Cabdifitaax Aadan ayaa sidoo kale sheegay in gudaha hoteelka lagu toogtay saddex kamid ah raggii weerarka soo qaaday, halka mid kalena uu isku qarxiyay xeebta.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in ciidamada ammaanka uu ka dhintay hal askari, mid kalena uu ka dhaawacmay, inta uu socday howlgalka.

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in la fashiliyay gaari ay ka buuxaan walxaha qarxa, isla markaana ninkii waday la qabtay isaga oo dhaawac ah.

Halkan hoose ka daawo shirka jaraa’id:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here