Xubin ka tirsan Xisbiga Sheekh Shariif oo qaraxii xalay ku geeriyooday

0

MUQDISHO (SMN) – Allaha u naxariistee waxaa xalay dadkii ku dhintay weerarkii xeebta Liido kamid noqday Aweys Sheikh Mohamud oo xubin ka ahaa xisbiga Himilo Qaran.

 

Madxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo hoggaamiyo xisbigaasi, horayna u cambaareeyay weerarkan ayaa tacsi u diray qoyska marxuumka.

Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidatan:-

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun

Waxaan ugu tacsiyadeynayaa guud ahaan umadda Soomaaliyeed, si gaar ah caruurtii iyo qoyskii uu ka baxay Allaha u naxariistee Aweys Sheikh Mohamud.

Marxuum Aweys waxa u ahaa xubin Firfircuun oo ka tirsan Xisbiga Himilo Qaran Suldaanka Waxuu si mug leh uga soo qeybqaatay howlaha hortabinta u leh Xisbiga.

Waxaan Alle uga baryaa in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, qoyskiisa iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodeyna samir iyo iimaan Alle ha naga wada siiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here