Cali Maxamed Geedi oo baaq culus diray kadib weerarkii xeebta Liido

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi oo la hadlay warbaahinta ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii lagu hoobtay ee xalay ka dhacay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, kaas oo lagu laayay dad badan oo rayid ah.

 

Ugu horreyn wuxuu tacsi tiiraanyo leh u diray ehellada ay dadkooda ku dhinteen weerarkan oo qaraxyo ku billowday, isaga oo ku dhaawac ahna u rajeeyay caafimaad deg-deg ah.

Cali Maxamed Geedi oo qiray in Al-Shabaab lagu jabiyay dagaalka tooska ah ayaa haddane sheegay in dowladda looga baahan yahay inay il gaar ah u lahaato amniga Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu farriin u diray shacabka Soomaaliyeed, isaga oo tilmaamay in loo baahan yahay in jawaab deg-deg ah laga bixiyo falka argagaxa leh ee ka dhacay xeebta Liido.

Weerarkan lagu dhammaaday ayaa kusoo aaday maalmo uun kadib la qarxiyay maqaayad ku taalla gudaha degmada Boondheere oo dhalinyaro lagu laayay iyo weerarkii tooska ah ee ka dhacay gudaha xabsiga dhexe ee Xamar, kuwaas oo iyana dhaliyay khasaare xoogan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here