Guddiga Gurmad Qaran oo shaaciyay in dibadda loo qaadayo dhaawacyada culus

0

MUQDISHO (SMN) – Guddiga Maaliyadda Gurmad Qaran ayaa Shir degdeg ah ku yeeshay Xarunta Dhexe ee Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA).

 

Kulankaan waxaa shir guddomiyey Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda ahna Wasiirka Waxbarashada XFS Faarax Sheekh Cabdulqaadir, waxaana qeyb ka ahaa Wasiirka Cafimaadka Cali Xaaji Aadan, Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Maxamuud Macalim Cabdulle, Wasiir Dowlaha Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Xirsi Gaani, Ganacsato, Ururka Haweenka Qaranka iyo Culimada Soomaaliyed.

Kulankaan ayaa looga hadlay sidii wax looga qaban lahaa qasaaraha guud ee Habeen ka dhashay xasuuqa ka dhacay Xeebta Liido, si guud dadka ay dhaawacyada soo gaareen ee ku kala jira isbitaallada kala duwan ee caasimadda.

Kulanka inta uu socday ayaa sidoo kale looga hadlay in dadka qaba dhaawaca daran dalka dibaddiisa loo qaado halka kuwa kale ee dhaawacoodu fududyahay dalka lagu daaweeyo, sidoo kale waxaa la xusay in loo bandhigo dadka Soomaaliyeed gaar ahaan ganacsatada si ay u caawin lahaayeen ehellada dadka dhintay iyo kuwa dhaawaca ah ee isbitaalada yaalla.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here