Daawo: Maxkamadda gobolka Banaadur oo xukuntay gabdhihii TikTok-leyda

0

MUQDISHO (SMN) – Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta xukun kasoo saartay dacwad loo heystay dhallinyaro caan ka ah baraha bulshada, gaar ahaan TikTok, kuwaas oo ku eedeysnaa kicin dadweyne, hurinta dagaal sokeeye iyo faafinta anshax xumada.

 

Dacwadda oo dhameysatay heerarka kala duwan ayaa ugu dambeyntii maanta waxaa xukun ka soo saartay maxkamadda gobolka Banaadir, eedeysanayaasha oo ka koobnaa sagaal gabdhood ayaa toddoba ka mid ah lagu xukumay min lix bilood oo xabsi ah, halka labo qabdhood ay maxkamaddu dib ugu celisay xorriyadooda.

Halkan hoose ka daawo maxkamadeyntooda:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here