Dowladaha Carabta oo si adag u cambaareeyay weerarkii xeebta Liido

0

MUQDISHO (SMN) – Dowladaha Sacuudi Carabiya, Qatar, Baxreyn, Kuwait, Masar iyo Jordan ayaa si ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii Al-Shabaab ay ku qaaday xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, kaas oo ay ku shahiideen in ka badan 32 qof iyo dhaawaca kor u dhaafaya 63.

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradaha Arrimaha Dibadda dalkaasi ayaa lagu sheegay inay xanuun la qeyb-sanayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Shacabka Soomaaliyeed, iyagoo tacsi tiiraanyo leh u soo diray Soomaaliya, una rajeeyay kuwa ku dhaawacmay caafimaad deg deg ah.

Ugu dambeyn Dowladaha xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta ayaa sheegay inay dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda ku garab yihiin la dagaalanka Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here