XFS oo nus milyan dollar ugu deeqday dadkii ku waxyeelloobay weerarkii Liido

0

MUQDISHO (SMN) – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa $ 500,000 ugu deeqay ehelada dadkii ku waxyeelloobay weerarkii ay dhowaan Al-Shabaab ka geysatay Xeebta Liido, kadib kulan deg-deg ah oo ay xalay ku yeesheen Muqdisho.

 

Golaha ayaa ku dhawaaqay in ay lacag Nus Milyan Dollar ah Xukuumaddu ugu talagashay in la siiyo ehelada dadka waxyeelladu ka soo gaartay qaraxaasi, halka Ra’iisul Wasaaruhu mushaarkiisa Bishan uu u jaray gurmadka dadka waxyeelladu soo gaartay, iyadoo dhammaan xubnaha Golaha Wasiirradana ay mushaharaadkooda qayb ka mid ah u jareen.

Lacagtan ayaa loogu talagalay in lagu taageero dhaawacyada iyo dib-u-dhiska nolosha dadka ay dhibaatadu soo gaartay weerarkaasi lagu laayay shacab aan waxba galabsan.

Xukuumadda Dan-Qaran ayaa sidoo kale qaadday tallaabooyin lagu xaqiijinayo sugidda amniga shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here