Xildhibaan Maalik Cabdalla oo weerar culus ku qaaday xukuumadda Dan-Qaran

0

MUQDISHO (SMN) – Xildhibaan Maalik Cabdalla oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa weerar culus oo afka ah ku qaaday xukuumadda Dan-Qaran ee uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

 

Maalik Cabdalla ayaa tilmaamay in dibadb-baxii ka dhacay xeebta Liido uu ahaa mid abaabulan oo kaambeyn ah, isla markaana ay soo abaabusho xukuumadda Soomaaliya.

Xildhibaanka ayaa shaaca ka qaaday in Al-Shabaab aan mudaharaad waxba looga qaadi karin ee loo baahan yahay in la xoojiyo dagaalka Adag lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

“Xukuumaddii meydka aheyd Golaheedii Wasiiradda iyagoo damaashaadaaya ayey tageen xeebta liido oo dhiigii Shacabku daadsan yahay” ayuu yiri Xildhibaanku.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo xukuumadda Soomaaliya xalay ku dhowaaqday lacag nus milyan dollar ah oo loogu talagalay ehellada dadkii ku waxyeeloobay weerarkii xeebta Liido, halka ra’iisul wasaarunha uu mashaarkiisa bishan ugu deeqay dadkaasi.

Halkan hoose ka daawo:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here