Wasiirka warfaafinta Soomaaliya oo ka hadlay arrimo xasaasi ah

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiir Daa’ud Aweys Jaamac oo Warbaahinta kula hadlayay magaalada Muqdisho maanta ayaa waxa uu sheegay in shir aan caadi aheyn oo ay Golaha Wasiirada ku yeesheen magaalada Muqdisho ay ku go’aamiyeen in nus malyuun doolar lagu kabo si loogu kaabo daryeelka caafimaadka ee dadkii Soomaaliyeed ee ku waxyeeloobay masiibadii ka dhacday Xeebta Liido.

 

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska mudane Daa’ud Aweys Jaamac ayaa sheegay in Golaha Wasiirada oo uu ugu horeeyo R/wasaare Xamze Cabdi Barre ay go’aamiyeen in ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ay kaalinteeda ka qaadato gurmadka socda.

Daa’ud Aweys ayaa ka tacsiyadeeyay u ehellada, qaraabada iyo ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan dadkii ku waxyeeloobay masiibada Xeebta Liido isagoo u mahadceliyay dadkii ka qeyb qaatay gurmadka caafimaadka ee loo fidiyay dhaawacyada.

Halkan hoose ka daawo:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here