Dowladda Masar oo ciidamo usoo direyso gudaha Soomaaliya

0

QAAHIRA (SMN) – War murtiyeed ka soo baxay Midowga Africa ayaa lagu sheegey inuu Midawga Afrika soo dhoweynayo sameynta howlgal qaabilsan dhinaca xasilinta oo loo bixiyey howlgalka taageerada iyo xasilinta ee Soomaaliya kaas oo loosoo gaabiyo AUSSOM.

 

Howlgalkan oo bedeli doona kan haatan jira ee ATMIS ayaa loogu talo galey inuu taageero dedaalada dowladda federaalku ugu jirto la dagalaanka Alshabaab iyo xasilinta dalka.

Midowga Africa ayaa soo dhaweeyey dalalka Masar iyo Djibouti oo iyagu ku yaboohey in ay ciidamo ku biirin doonaan howlgalkan.

Howlgalgan ayaa sidoo kale qeyb ka noqon doona nabadeynta iyo xasilinta goobaha laga xoreeyo Al-shabaab.

Ka mid noqoshada Masar ee howlgalkan ayaa ku soo beegmaysa xili ay xiisadi ka dhex taagan tahay Somalia iyo Ethiopia, taasoo ka dhalatey heshiis isfaham oo ay Ethiopia la gashey Somaliland. Dhan kalena Masar iyo Ethiopia ayaan xiriirkoodu wanaagsaneyn ka dib is afgaranwaagii ka dhashey sida loo qeybsanaayo biyaha wabiga Nile oo labada dalba mara.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here