Dowladda Soomaliya oo baaq culus u dirtay shacabka kadib weerarkii Liido

0

MUQDISHO (SMN) – 𝗚𝘂𝗱𝗱𝗶𝗴𝗮 𝗠𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗚𝘂𝗿𝗺𝗮𝗱 𝗤𝗮𝗿𝗮𝗻 oo maanta ku kulmay x𝗮𝗿𝘂𝗻𝘁𝗮 D𝗵𝗲𝘅𝗲 𝗲𝗲 𝗛𝗮𝘆’𝗮𝗱𝗱𝗮 (𝗦𝗼𝗗𝗠𝗔) ayaa shacabka Soomaaliyeed markale ugu baaqay in ay ka qeybqataan gurmadka shacabkii waxyeellada ka soo gaartay qarixii Liido.

 

Kulankaan waxaa Guddoomiyay Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda ahna Wasiirka Waxbarashada XFS Faarax Sheekh Cabdulqaadir, waxaana qeyb ka ahaa wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisulwasaaraha Xirsi Gaani, Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka ee SoDMA Maxamuud Macalim Cabdulle, Ganacsato, Ururka Haweenka Qaranka iyo Culumada Soomaaliyed.

Guddigaan ayaa markale shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay qeybtooda ka qataan gurmadka loo sameynaayo shacabkii khawaarijta ku xasuuqday Liido, waxaana guddiga uu u mahadceliyay Golaha wasiirada XFS oo xalay lacag Nus Milyan dollar ah ugu deeqay ehelada dadkii waxyeellada ka soo gaartay weerarkaas.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here