Guddoomiye Maxamuud Macallin oo kulan isugu yeeray howlwadeenada SoDMA

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka, Md. Mahamuud Moallim Abdulle ayaa kulan gaar ah la qaatay qaar ka mid ah shaqaalaha iyo howl-wadeennada sida tabarucaadda ah ula shaqeeya hay’adda.

 

Maxamuud Macallin ayaa kula dardaarmay in ay si fiican kaga faa’iideystaan tababar heerar kala duwan leh oo lagu dhisayo kartida iyo aqoonta shaqaalaha, kaasoo ay iska kaashanayaan SoDMA iyo Hay’adda Bisha Cas ee Turkiga (KIZILAY).

Koorsooyinka lagu qaadanayo tababarkaan oo loogu tala-galay dhammaan shaqaalaha hay’adda, ayaa isugu jira guud ahaan xirfadaha gargaarka degdegga ah, cashirrada dufacadda 1-aad ayaana billaaban doona Isniinta soo socota.

Hoggaanka iyo howl-wadeennada SoDMA, ayaa muhiim iyo fursad weyn oo wax ka taraysa karaanka Hay’adda u arka aqoon-siyaad-sigaan oo ka dhci doona labada dalba, maadaama Hay’addu Dowladda Soomaaliya masuul kaga tahay maaraynta arrimaha musiibooyinka.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here