Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Beled-xaawo oo lagu dilay weerar qaraxyo ah

0

BELED-XAAWO (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in xalay weerar loo adeegsaday qaraxyo lagu qaaday saldhigga booliska degmada Beled-xaawo ee gobolkaasi.

 

Qaraxyada oo ahaa bambaanooyin ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan hal qof, ayada oo ay ku dhaawacmeen 4 kale, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka.

Ninka dhintay ayaa ahaa guddoomiye ku xigeenkii hore ee degmadaasi oo lagu magacaabi jiray Bile Hufood, waxaana dadka kale ee dhaawacmay ay yihiin askar.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana baaritaano wada ciidamada ammaanka ee ku sugan degmada Beled-xaawo ee gobolka Gedo.

 Halkan hoose ka daawo Warbixinta:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here