Madaxweynaha Turkiga oo Abiy Axmed kala hadlay heshiiska badda

0

ANKARA (SMN) – War qoraal ah oo ka soo baxay dowladda Turkiga ayaa waxaa lagu sheegay in madaxweyne Recep Tayyip Erdogan iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya ay yeesheen wada-hadal khadka taleefoonka ah.

 

Wada-hadalka ayaa waxaa diiradda lagu saaray iseddelada gobolka iyo caalamka, sidoo kale waxaa lagu soo qaaday xiriirka ka dhexeeya Turkiga iyo Itoobiya.

Erdogan ayaa sheegay in maalinba maalinta ka dambeysa uu sii xoogeysanayo xiriirka labada dal ayna sii hormarin doonaan.

Sidoo kale waxa uu hoosta ka xariiqay in Turkiga uu sii wadayo dadaallada uu ku doonayo in lagu soo afjaro xiisadda ka dhex aloosan dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya,

Madaxweynaha Turkiga ayaa xusay in tallaabooyin ay qaadayso Itoobiya oo meesha ka saaraysa welwelka Soomaaliya ee ku aaddan midnimadeeda, madaxbannaanideeda iyo wadajirkeeda dhuleed ay fududeynayaan hannaanka wadahadal dhab ah.

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa la filayaa in todobaadka soo socda ay mar kale wada-hadallo ku yeeshaan magaalada Ankara ee caasimada Turkiga, si ay uga wada xaajooda xiisadda dhexdooda taalla eeka dhalatay heshiiska uu Abiy la galay madaxweynaha Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here