Sawirro: Xildhibaanadii ugu badnaa oo isugu tegay Jowhar + Ujeedka

0

JOWHAR (SMN) – Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), Madaxweyne ku-xigeenka Mudane Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), Guddoonka Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa caawo munaasabad casho-sharaf ah kala qeyb galay wafdiga labada aqal ee Baarlamaanka Hirshabeelle oo Jowhar u yimid ka qeyb galka furitaanka Kal-fadhiga Baarlamaanka Hirshabeelle.

 

Xubnaha labada aqal ee BJFS ayaa ku ammaanay Madaxweynaha Hirshabeelle safarkii dheeraa iyo horumarada uu ka sameeyay deegaanada iyo degmooyinka laga xorreeyay Al-Shabaab.

Madaxweynaha Hirshabeelle: “Taladiina, wada-tashigeena iyo wadajirkeena ayaa horumar noo ah, Isku-duubni aan ugu dhaqaaqno xorreynta Galbeedka.”

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa berri si rasmi ah u furi doono Kal-fadhiga Baarlamaanka Hirshabeelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here