Wararkii ugu dambeeyay wada-hadallada u socdo Soomaaliya iyo Itoobiya

0

ANKARA (SMN) – Wafuud ka kala socota Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa weli wada-hadallo uga socdaan magaalada Ankara ee dalka Turkiga, kuwaas oo ka wada arrinsanaya xiisadda ka dhalatay heshiiska badda ee uu Abiy Axmed la galay maamulka Somaliland.

 

Wararka ayaa sheegaya in aan weli lagu guuleysan inay gaaraan wax heshiis ah oo lagusoo afjarayo xiisadda ka dhex aloolsan labada dal, taas oo saameynteeda laga dareemay gobolka.

Dowladda Turkiga ayaa dhex-dhexaadineysa labada dhinac, waxaana wafuuda u kala dab qaadaya wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan oo shirka ku sugan.

Sidoo kale wararka aan helayno ayaa waxa ay tilmaamayaan in waxyaabaha la isku mari la’yahay ay kamid yihiin, sida ay Itoobiya galaangal ugu yeelaneyso biyaha Soomaaliya iyo qaabka ay uga laabaneyso heshiiska badda ee ay horraantii sanadkan la gashay Somaliland.

Doodda oo weli sii socota ayaa qaadan karto waqti ka badan wareegii hore ee wada-hadallada, iyadoo dowladda Turkiga ay isku dayeyso inay soo afjarto xiisadda, isla-markaana dhinacyadu ay gaaraan heshiis rasmi ah.

Soomaaliya ayaa horay uga carootay heshiiska badda, halka Itoobiya ay muddo dheer ku adkeysaneysay go’aankeeda, taas oo keentay in xiisadda labada waddan ay sii laba kacleyso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here