Taliska Booliska oo soo xiray askari dhibaato ka gaystay magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa ugu dambeyn xabsiga dhigay askari shalay ku xad-gudbay wiil dhalinyaro ah oo kamid ah darawallada ku shaqeysata mootooyinka Bajaajta, xilli ay dibad-bax ka dhigayeen jidka Maka Al-mukarama.

 

Askariga ayaa gaari Cabdile ah ku dhuftay mooto uu watay wiilka dhalinyarada ah, waxaana baraha bulshada ku baahay muuqaal muujinayo xad-gudubka loo gaystay wiilkaasi dhalinyarada ah.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaa u qornaa sidatan:-

Waxaa la xiray D/le Bol Farxaan Axmed Cismaan oo katirsan Saldhigga Boliiska Hodan, kaasi oo ku lakacay muwaadiniin Soomaaliyeed oo banaanbaxayey fal ka’aradan hab dhaqanka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Waxaana la horgeydoonaa Maxakamadda Awoodda u leh.

Waxaana lagu wargalinayaa Muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay ka digtoonaadaan banaanbaxyada aan sharciga waafaqsaneyn ee foodada ah oo ay ka dhalankaraan waxyeeladda nafta iyo hantida ummada Soomaaliyeed ku dhaqan Dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here