Guddiga gurmadka weerarkii Liido oo warbixin cusub soo saaray + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN)  – Guddoomiyaha Guddiga Gurmadka Qaraxi Liido, Wasiir Faarax Sheekh Cabdulqadir, ayaa shir guddoomiyay kulan uu guddigu ku yeeshay xarunta dhexe ee Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA), kaasoo uu goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Hay’adda Md. Maxamuud Macallin Cabdulle.

 

Kulanka oo diiradda lagu saaray arrimo muhiim ah, ayaa la isku af-gartay In ugu danbeyn dhammaadka bisha October la daah-furo xarunta daryeelka dhaawacyada u baahan gargaarka deg degga ah ee dhismaheedu ka socdo gudaha isbitaal Madiina.

Guddigaan ayaa 41 qof oo ka mid ah dadkii ku dhaawacmay weerarkii argagaxiso ee billawgii bishaan ku wajeejiyay min kun doolar ($1000), halka uu sidoo kale bixiyay lacagta ay soo dallacdeen Isbitaallada la tacaalay dadka waxyeelladu gaartay.

Ugu danbeyn Guddiga ayaa ballan-qaaday in la kaalmeyn doono qoysaska ay ka baxeen dadka weerarka ku naf-waayay, marka ay xogto soo dhammeystiranto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here