Shir u dhexeeyay DF iyo dowlad goboleedyada oo ka dhacay Jowhar

0

JOWHAR (SMN) – Wasiirka wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareye) oo ay wehliyaan Wasiirrada dowlad gobaleedyada Wasaaradaha Beeraha oo safar shaqo u joogo Magaalada Jowhar ee Caasimadda dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa shir ku yeeshay Xarunta Dhexe ee Wasaradda Beeraha & Waraabka Hirshabeele.

 

Inta uu kulanka socday, Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle ayaa soo bandhigtay howlaha la xariiro beeraha ay ka wadaan Hirshabelle sida Mashaariicda Horumarineed ee Beeraha.

Madaxdu waxey sidop kale la kulmeen Iskaashatoyinka Beeraha iyaga oo la wadaagay siyaasadda qaran ee Iskaashatooyinka Beeraha, siyaasadda qaran ee fidinta beeraha, howlaha horutabinta u leh Dowladda ee dhanka Beerha iyo sida ay Wasaaradda Beeraha uga go’antahay caawinta iyo garab istaaga beeraleyda Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here