10 ka tirsanaa Al-Shabaab oo saaka lagu toogtay magaalada Gaalkacyo

0

GAALKACYO (SMN) –  Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in saaka gudaha magaaladaasi lagu toogtay 10 nin oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ay horay u xukuntay maxkamadda ciidamada Puntland.

 

Toogashada ayaa ka dhacday fagaare ku yaalla waqooyiga Gaalkacyo, halkaas oo ay tageen saraakiil ka tirsan maxkamadda iyo mas’uuliyiinta degmada Gaalkacyo.

Ragga la toogtay ayaa lagu helay inay dilal iyo qaraxyo horay uga gaysteen deegaanada Puntlad, gaar ahaan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

“Maanta magaalada Gaalkacayo waxaa lagu fuliyey xukun dil ah 10 ka tirsan argagixisada Al-Shabaab, kuwaas oo horey maxkamadda sare ee ciidamada ay ku xukuntay dil, kadib markii lagu helay inay geysteen dilal magaalada Gaalkacayo” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Booliska Puntland.

Fulinta xukunkan ayaa kusoo aaday maalmo uun, kadib markii dhowaan xubno ka tirsan Al-Shabaab ay ka baxsadeen xabsi ku yaala waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here