Madaxweynaha Soomaaliya oo jeediyay khudbad xasaasi ah

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaloya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeediyay shacabka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay cabashada shacabka ee arrimaha Canshuuraha, difaaca madax-bannaanida dalka iyo doorashooyinka.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo hadal jeedintiisa diiradda ku saaray xaaladda dalka, duruufaha ku xeeran dhallinyarada Soomaaliyeed iyo qorshaha dowladda ee difaaca madaxbannaanida iyo qarannimada dalkeenna ayaa ku dheeraaday arrimaha canshuuraha oo cabasho laga qabay, asaga oo yiri “Majirto Canshuur cusub oo dowladdu soo kordhisay balse waxaa cusub nidaamka lagu bixinayo”.

Mudane Xasan Sheekh oo sidoo kale ka hadlay cabashadda dhallinyaradda wadayaasha ka ah gaadiidka bajaajta oo maalmahaan ka cabanayey lacago lagu kordhiyay ayaa sheegay in warbixinaddaas hey’addii ay quseysay oo dhan ay ka howlgaleen oo haatan la hagaajiyay, waxii dhimmana la dhameystirayo “Raali kama ahan Dowladda Federalka Soomaaliya wax dhib galinaya dhalinyarada ku shaqeysta Bajaajta”.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay difaaca madax-bannaanida dalka ayaa sheegay arrinta ka dhaxeysa Soomaaliya iyo  Itoobiya ee maanta taagan inuu ka dhashay xad-gudub ay sameysay Itoobiya, ayna ka garaabi-weyday. “Jamhuuriyaddii 1960-kii dhalatay ayay Itoobiya daba jooga oo ay leedahay cad ayaan ka goosanaya taasna horray ayaan u diidnay, waligeedna dhicimeyso oo Soomaaliya oo intaan ka taag yar ayaa diiday in biyaha, badda iyo dhulkeedu Itoobiya qaadato. Maanta baddaan xoog ku gaarayaa waa riyo aan rumoobeyn”.

Dhan kale Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay dagaalka dhanka ah kooxda cadowga ah ee khawaarijta ayaa sheegay inuu wali socdo dagaalkii bilaawday labo sano ka hor, ayna tahay waxba kama jiraan haddii la sheegay in dagaalkii istaagay.

“Dagaalku maanta ayuu intii hore ka sii xoog badan yahay, dhulkii lagu dagaalamayey iyo dabeecadihiisuba wey isbedaleen, nuuca dagaalka ee lagu jirana wuu isbedalay laakiin dagaalku ma istaagin ee wuu socdaa, intii horenna waa ka sii xoog badan yahay taasna waxaa cadeyn u ah horray dagaal kagama socon Koonfur Galbeed iyo Jubbaland laakiin hadda wuu ka socdaa” ayuu yiri mudane Xasan Sheekh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here