Afhayeenka Ciidanka Booliska oo raalli-gelin siiyay Wariyeyaasha Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Afhayeenka Ciidamada Booliska Cabdifitaax Aadan Xasan oo qoraal soo saaray ayaa raalli-gelin ka bixiyay gef uu dhawaan kula kacay wariyeyaasha ka howlgala magaalada Muqdisho, kaas oo keenay in warbaahinta joojiso wada shaqeynta Booliska.

 

Cabdifitaax Aadan ayaa raalli-gelin buuxda siiyay bahda warbaahinta, wuxuuna sheegay inay isugu yimaadeen kulan ay iskula garteen in dib loo soo celiyo wada shaqeynta labada dhinac.

Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidatan:-

Waxaan raalli galin buuxda ka bixinayaa Tabashooyinka  Wariyayaasha iyo Warbaahinta ay ka howl-galaanba ee Muqdisho ka qabeen qeybta Warfaafinta ee Boliiska gaar ahaan Xafiiska Af-hayeenka Boliiska Soomaaliyeed

Warbaahintu waa tiir ka mid ah tiirarka ugu muhiimsan ee dalka jiheeya waxayna door muuqda ka qaadtaan nabadda iyo baraarujinta bulshada,Sidaas awgeed waxaa bogaadinayaa doorkoodaas islamarkaana ugu baaqay inay sii laba jibaaraan howsha baaxadda leh ee dadka iyo dalka u hayaan.

Kulama noo Socdey  Maalmihii Lasoo Dhaafey Ayaan ku lafa gurney wixii Qaladaad ah ee jirey  waxaana ugu mahadcelinayaa  sida qiimaha leh ee ay u aqbaleen inay Lashaqeeyaan Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed  .tabashadoodina wax laga qabtey  intii karaankeena aheyd ,

Guddiga Wariyayaasha matalaayey ayaa dhankooda aqbalay raalli-galinta waxayna ballan-qaadeen inay sii xoojinayaan wada shaqeynta

Wada Shaqeyn wacan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here