Nin hubeysan oo dilay haweeney uu kala dhexeeyay xiriir Jacayl + Sababta

0

CADAADO (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xalay nin hubeysan uu dilay haweeney uu kala dhexeeyay xiriir Jaceyl, kadib is-faham waa soo kala dhex-galay.

 

Falkan argagaxa leh ayaa si gaar ah uga dhacay deegaan hoostaga magaalada Cadaado, waxaana haweeneyda la dilay magaceeda lagu soo koobay Nuuro.

Ninka oo ku hubeysnaa qoray AK47 ah ayaa la sheegay inuu tegay guriga marxuumadda, uuna ka dalbaday guur, balse ay ku gacan seertay, isaga oo kadib rasaas ku furay.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daray in dilkan uu dhaliyay xiisad xoogan, waxaana duleedka Cadaado dhaq-dhaqaaq ka bilaabay maleeshiyaad ku hayb ah haweeneyda la dilay.

Halkan hoose ka daawo warbixinta:-


LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here