Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo daah-furay xarum muhiim ah + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay Maktabadda buugaagta ee Machadka Diblomaasiyadda, xilli uu sidan oo kale dabayaaqadii toddobaadkii hore u daahfuray koorsooyin lagu baranayo afafka khalaad. Tallaabooyinkan ayaa qeyb ka ah qorshaha horumarinta iyo kobcinta aqoonta diblomaasiyiinta.

 

Wasiir Fiqi, ayaa caddeeyay daahfurka Maktabadda buugaagta ee Machadka Diblomaasiyadda in lagu gaarayo kaydinta iyo akhriska qoraallada, buugaagta iyo cilmi-baarista la xiriirta diblomaasiyadda iyo kuwa waxtarka leh.

Agaasimaha Machadka Diblomaasiyadda, Danjire Cabdulqaadir Amiin Sheekh, ayaa daahfurka Maktabadda ka shaaciyay inay u furantahay aqoonyahanka, qoraayaasha iyo cid walba oo buugaagta iyo qoraallada dhaxal-reeb aqooneed leh inay soo gaarsiin karaan Maktabadda, oo ku dhex taalla xarunta Wasaaradda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here