DF oo cabasho ka ah shirkadaha maamula garoonka iyo dekedda

0

MUQDISHO (SMN) – Hantidhowraha guud ee qaranka, Axmed Ciise Guutaale oo maanta warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa soo bandhigay warbixinta baarista ee 2023, wuxuuna eedeyn culus u jeediyay shirkadaha maamulka garoonka iyo dekedda Muqdisho.

 

Guutaale ayaa labada shirkadood oo kala ah Favori iyo Albayr ku eedeeyay inay jabiyeen heshiiyadii saami qaybsiga ee ay kula jireen dowladda dhexe.

“Shirkadaha Favori iyo Albayrak waxa ay jabiyeen oo ay ku xad gudbeen heshiisyadii lala galay ee dheef wadaagga ah”.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Sida uu xqiijiyay xafiiska xisaabiyaha guud ee dowladda labada shirkadood midoodna lama wadaagin warbixinadooda maaliyadood oo soo maray baaris hantidhowr oo madax bannaan si loo caddeeyo, loona ogaado dhab ahaan cadadka saamiga lacageed ee DFS ay yeelaneyso”.

Halkan hoose ka daawo:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here