Taliska Booliska Soomaaliya oo soo xiray dhalinyaro loo haysto qalqal-gelin amni

0

MUQDISHO (SMN) – Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed gaar ahaan qeybta guud ee Boliiska Gobolka Banaadir ayaa gacanta kusoo dhigay eedeysanayaal kala duwan oo loo haysto dambiyo culus.

 

Qoraal kasoo baxay booliska ayaa lagu sheegay in ragga lasoo qabtay ay magaalada Muqdisho ka wadeen falal liddi ku ah amniga, halisna ku ah bulshada caasimadda.

“Waxay bulshada dhexdeeda ku haayeen falal lidi ku ah ammniga iyo sharafka muwaadiniinta Soomaaliyeed . Waxaana la horgeyndoonaa Maxkamadda awooda u leh” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay taliska booliska gobolka Banaadir.

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Muwaadin hadii aad la kulanto falal ammaanka liddi ku ah la soo xariir xafiiska gurmad ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ee 991”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here