Siyaasi Xaadir Nuur oo ka digay in Masar iyo Itoobiya ay ku dagaalamaan Somalia

0

MUQDISHO (SMN) – Siyaasi Maxamed Xaadir Nuur oo wareysi gaar ah siiyay Shabakadda Warbaahinta Shabelle ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xiriirka Soomaaliya iyo Masar, gaar ahaan diyaaradihii milatari ee ay shalay usoo dirtay magaalada Muqdisho.

 

Xaadir ayaa sheegay in Masar aysan horay uga mid ahayn waddamada Afrikaanka ah ee kaalmada milatari siiya Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay in dhaq-dhaqaaqa haatan ay bilowday uu muujinayo dareen kale.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ciidamada Masar ee la keenayo Soomaaliya aysan soo kordhin doonin wax badan, maadaama la filayo inay qayb ka noqdaan howlgalka beddalaya ATMIS.

Waxaa kale oo uu ka digay in xilligan ay Soomaaliya ku dagaalamaan dalalka Masar iyo Itoobiya oo si weyn isku hayo, maadaama ay ka dhexeyso xiisad ka dhalatay wabiga Nile.

“Masar oo aanan ka heli jirin kaalmo militeri in ciidankeeda lagu soo daadgureeyo dalka waa dareen kale, Soomaaliya in lagu dul dagaalamo uma baahna”. ayuu yiri Xaadir.

Hadalkan wuxuu kusoo aadayo, ayada oo dhowaan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu booqasho ku tegay magaalada Qaahira, halkaas oo uu kula kulmay dhiggiisa dalka Masar, Cabdifitaax Al-siisi, waxayna kadib wada saxiixdeen heshiis difaac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here