Kulanka billaha xaaladaha bani’aadanimo oo lagu qabtay xarunta SoDMA + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Xarunta dhexe ee Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ayaa marti-galisay kulan si bille ah loogu gorfeeyo xaaladaha bani’aadannimo ee dalka, kaasoo dhex mara Hay’adda SoDMA, Xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka arrimaha bini’aadannimada (OCHA) iyo barnaamijka horumarinta ee Qaramada Midoobay (UNDP).

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loogu diyaar-garoobi lahaa shirka madasha arrimaha bani’aadannimada (CHF) ee dhawaan lagu wado inuu qabsoono, sidii dhaqaale soo kabasho loogu aruuri lahaa dadkii ay wax-yeelleysay saameynti El-nino iyo qorshaha ku aaddan abaarta La-nina.

Sidoo kale, kulanka waxaa looga hadlay sidii loo garab istaagi lahaa dadka uu saameeyay dab xooggan oo dhawaan ka kacay Suuqa Hanti-wadaag ee magaalada Jowhar, kaasoo baabi’iyay 900 oo goobo ganacsi ah, burburiyay dhaqaale dhan $1.5 milyan ilaa $2 milyan, isla-markaana wax-yeelleeyay hab-nololeedka 5,000 oo qoys.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Md. Maxamuud Macallin Cabdulle iyo ku-xigeenka ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay Md. George Conwey, ayaa wadajir u shir-guddoomiyay kulanka, waxaana ka qeyb-galay masuuliyiin kale oo ka kala socday Hay’adaha SoDMA, OCHA iyo UNDP.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here