Al-Shabaab oo weerar culus ku qaaday garoonka diyaaradaha Baydhabo

0

BAYDHABO (SMN) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar ay xalay xubno ka tirsan Al-Shabaab ku qaadeen garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo, kaas oo uu xigay dagaal toos ah

 

Weerarka ayaa ku bilowday madaafiic ay Al-Shabaab ku garaaceen garoonka oo ay ku sugan yihiin ciidamada Koonfur Galbeed iyo kuwa Itoobiya oo dagaal kala hortegay xubnaha weerarka qaaday.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa sheegay inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay is weydaarsanayeen labada dhinac, taas oo daqiiqado socoto, balse waxa ay tilmaameen in aysan xaqiijin karin khasaaraha rasmiga ah.

Saraakiil ka tirsan Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa dhankooda xaqiijiyay inay iska difaaceen weerarka, ayna dileen saddex ka tirsanaa Al-Shabaabkii weerarka soo qaaday.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan weerarkaasi iyo dagaalka xigay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here