Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo kulamo xasaasi ah ka wada Turkiga

0

ANKARA (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa xarunta wasaaradda Difaaca Qaranka Turkiga ee magaalada Ankara kulan wax ku ool ah kula yeeshay dhiggiisa Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Turkiga mudane Yaşar Güler oo uu wehliyo Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Turkiga mudane Alparslan Bayraktar.

 

Kulamada wasiirrada ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan dhinacyada difaaca, amniga iyo tamarta.

Muhiimadda guud ee kulamadan ka dhacay Ankara ayaa ah in sida ugu macquulsan ugu na dhow loo dhaqaajiyo dhamaan wixii heshiisyo Militry ee bilo ka hor wada gaareen xukuumadaha Ankara iyo Xukuumadda fedralka Soomaaliya , xili sidoo kale uu jiro handadaad iyo isku-dayada gurracan oo ka imaanaya Itoobiya, kuna wajahan dhanka madax banaanida bad iyo dhul iyo qaranimada Soomaaliya.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada;-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here