Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo daah-furay shir muhiim ah + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Md. Saalax Axmed Jaamac, ayaa daah-furay Shirka Madasha Bani’aadannimada Soomaaliya (CHF) oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA) loogana hadlayo xaaladaha la xariira arrimaha bani’aadannimo ee waddanka.

 

Mudane Saalax ayaa si qoto dheer kaga hadlay saameynta ay bulshadeenna ku leeyihiin abaaraha iyo fatahaadaha daran ee soo laa-laabtay, isagoo xusay in xaaladahaas qeyb ka qaataan hurinta colaadaha iyo rabshadaha qasbaya in dad badan guryahooda ka bara-kacaan.

Madasha waxaa ka qeyb-galaya, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS Mudane Cali Yuusuf Cali, Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Md. Maxamuud Macallin Cabdulle, wakiilo kale oo ka socda Dowladda Federaalka, Wasaaradaha Gargaarka ee Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, Maamulka Khaatumo, Gobalka Banaadir, madax ka socota deeq-bixiyaasha, ururrada maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here