Dowladaha Soomaaliya iyo Masar oo sameynayo dhoolatus wadajir ah

0

MUQDISHO (SMN) – Dowladaha Soomaaliya iyo Masar ayaa gaaray go’aan culus oo sii hurin kara xiisadda siyaasadeed ee u dhexeyso waddamada Soomaaliya iyo Itoobiya.

 

Labada dal ayaa go’aan ku gaaray inay sameeyaan dhoolatus wadajir oo la filayo inuu dhaco bishan, sida uu xaqiijiyay sarkaal sare oo ka tirsan Masar.

Wararka ayaa sheegaya in dhoolatuskan ay ka qayb qaadan doonaan ciidamada dhulka, cirka iyo badda ee labada dal, si ay usoo bandhigaan cududooda.

Ilo wareedyada Masar ee soo dusiyay xogtan waxay ka gaabsadeen inay shaaciyaan taariikhda rasmiga ah ee uu dhacayo dhoolatuska iyo muddada uu soconayo.

Sidoo kale ma cadda tirada ciidamada ee ka qayb-galaya dhoolatuskan ay sida wadajirka ah usoo sameynayaan Soomaaliya iyo Masar.

Waxaa kale oo uu dhoolatuska diri doonaa farriin muujineyso iskaashiga cusub ee Qaahira iyo Muqdisho.

“Dhoolatusku wuxuu diri doonaa fariin cad oo ku saabsan sida ay nooga go’an tahay iskaashiga iyo ilaalinta Soomaaliya. Waxay macnaheedu noqon doonaan wax ka badan kaliya dhoolatus dagaal,” ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha ammaanka dalka Masar.

Tallaabadan ayaa haddii ay ku dhaqaaqaan labada dal waxay sii hurin kartaa xiisadda haatan ka jirta gobolka ee ka dhalatay heshiiska badda ee Itoobiya la gashay Somaliland, taas oo haatan gaartay meeshii ugu xumeyd.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here