Ciidamada Booliska Puntland oo gacanta ku dhigay burcad hubeysan + Sawirro

0

GAROOWE (SMN) – Ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland oo howlgal ka sameeyay magaalada Garoowe ayaa gacanta kusoo dhigay koox burcad ah iyo hubkooda.

 

Booliska oo qoraal soo saaray ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen saddex eedeysane iyo mooto Bajaaj ay wateen.

Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidatan:-

Ciidanka Booliska Puntland, gaar ahaan Saldhigga Boliiska Israac ee magaalada Garowe,ayaa soo xiray sadex eedeysane oo dhac ugu geestay Bulshada Caasimadda Puntland.

Eedaysanayaashan ayaa markii ay ciidanku sooqabana-yeen gacanta kula jiray Furashada Moobilada iyo dhaca dadweyanaha waxaana lagu sooqabtay Baskoolad macmal ah,tooreeyo iyo mooto bajaajkii ay wateen.

Ragan ayaana la horgayn,doonaa maxkamadda awooda uleh kiiskooda.

Haddii aad heshid xog ku saabsan falal Amni daro ama aad arragtid wax aad ka shakisan tahay iyo wax walba oo la Xiriira dhaq-dhaqaaqa Amniga Puntland, isla markaana aad ku sugan tahay gudaha dalka.

Fadlan, La soo xiriir Ciidanka Booliska Puntland oo #Wac 999 haddii aad ka warbixinayso dembi socda ama haddii ku jirto khatar degdeg ah 24/7

– DHAMMAAD –

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here